Madaxweyne Sharif oo ugu baaqay reer Gaalkacyo in ay isu furaan magaalada

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ugu baaqay maamulada ka wada arrimiya magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug in ay isu furaan magaalada kana shaqeeyaan amaanka.

Hadal uu ka jeediyey munaasabad ka dhacday koonfurta Gaalkacyo oo ay ka arrimiyaan maamulka Puntland ayuu Madaxweyne  Shariif ku sheegay in ay dhagahiisa ku badatay kala xirnaanta magaalada Gaalkacyo, balse loo baahanyahay in hada iyo wixi ka danbeeyaa magaalada la isu furo dadkuna is dhax galaan.

“Inta aan awooda ku bixineysaan dagaalada waa in aan awoodeena gelinaa nabada, reer Gaalkacyo waxaan ka rabaa in nabada ay qataan magaalada isu furaan, waad ogtihiin anaga Muqdisho maalmahan waxaan wadnay is dhaxgalka nabada, marka magaalada in leysu firo oo ay nabad noqoto oo aanan mar danbo maqlin Gaalkacyo ayaa xiran, waxaana idinka rabaa Galmudug in aad idinka bilowdaan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale, waxaa ka socda waqooyiga magaalada Gaalkacyo kulan ay ku leeyihiin madaxda dowlada, kuwa Puntland, Galmudug iyo Ahlu Suna iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan ayaa loogaga hadlayaa shaqooyinki ka qabsoomay barnaamijka wadada nabada ee roadmap iyo wixi loo baahanyahay in hada la dhameystiro.

Afhayeenka xukumada C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in diirada lagu saarayo sidi loo heli lahaa ergooyinki ka doodi lahaa ansixinta dastuurka, isaga oo intaasi ku daray in 15-ka bisha May ee sanadkaan uu noqon doono waqtiga kama daneysta ah ee lagu ansixin lahaa dastuurka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.