Madaxweyne Sharif oo ugu baaqay dadka reer Cadaado in ay ka shaqeeyaan nabada

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay maamulka iyo shacabka magaalada Cadaado in ay ka shaqeeyaan nabada meelna uga soo wada jeestaan kuwa cadawga ku ah nabada.

Hadal uu shalay ka jeediyey magaalada Cadaado ka hor inta uusan kusoo laaban magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dowlada KMG Soomaaliya iyo dhamaan shacabka ay markaan usoo tafa xeyteen sidi ay wax uga qaban lahaayeen amaanka.

“Anaga Soomaliya waxa aan ka shaqeyneyno waa nabad, colaad shaqa kuma lihin cidi wadana waxaan leenahay ka jooga, dareenka Soomaaliyeed maanta waa mid qof walba uu ku doonayo in sharafti iyo midnimadi ay soo celiyaan,”

Madaxweynaha oo tusinayey dadka reer Cadaado iyo mamaulkooxda Ximin iyo Xeeb in dowlada ay ixtiraam u heyso ayaa sheegay in aysan wali dhicin in madaxda dowlada ay gobol booqdaan si wada jir ah.

“Waxaa laga dhawaajiyey in dowlada aysan dhinac soo eegin, waxaan rabaa in aan idiin sheego in aniga iyo ra’isulwasaaraha aan inta is raacno oo aan gobol safar ku tagno, marka taasi ayaad nasiib u hesheene wixi hore ku ilaaba.” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa marki ugu horeysay booqasho ku tagay magaalada Cadaado kadib marki ay kasoo amba baxeen magaalada Gaalkacyo oo ay laba cisho ku hordeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.