Madaxweyne Sharif oo u duulay magaalada Baghdad ee dalka Iraq

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u dhoofay magaalada Baghada ee caasimada dalka Iraq.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada iyo saraakiisha madaxtooyada qaarkood, ayaa uga qeybgalaya xarunta dalka Iraq shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo birito halkaasi ka furmayo.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada C/raxiin Cabdi Abiikar ayaa warbaahinta uga warbixiyey safarka madaxweynaha.

“Madaxweynaha waxa uu maanta u kicitimay dalka Iraq, safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, waxa uu halkaasi uga qeybgalayaa shir madaxeedka Jaamacada Carabta, waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweynaha Ciraq oo ay is weydaarsan doonaa arimo ku saabsan laba dal,” ayuu yiri  C/raxiim Cabdi Abiikar

Iraq waxay waaya arag u tahay xaalada ay iminka kusugantahay Soomaaliya, sidaasi daraadeed labada madaxweyne waxay is weydaarsan doonaan aragtiyo ku saabsan sidi Soomaaliya ay uga bixi laheyd xaaladaha amaan darri.

Sheekh Shariif ayaa dalka dib ugu soo laaban doono 30-ka bisha March ee aan ku guda jirno.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Dhanka kalana waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo laabtay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali kadib sadex cisho oo uu ku maqnaa magaalada Gaalkacyo.