Madaxweyne Sharif oo u amba baxay dalka Itoobiya


Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u amba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Shariifka oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa la filayaa inuu halkaasi kula kulmo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Males Zanawi oo uu kala hadli doono arimo ku saabsan ciidamada Itoobiya.

Itoobiyaanka Jimcihi lasoo dhaafay waxay xaqiijiyeen in ciidankooda uu baaqi kusii ahaan doono Soomaaliya ilaa ay milatariga dowlada KMG uu ka xoogeysanayo.

Sidoo kale, Shariifka waxa uu Itoobiya kaga sii gudbi doonaa dalka Imaaraadka Carabta oo uu kaga qeybgali doono shir loogaga hadlayo arrmaha burcad badeeda.

Mudada uu joogi doono Imaaraadka Carabta waxa uu halkaasi kula kulmi doonaa madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).