Madaxweyne Sharif oo si kala gaar gaar ah ula kulmayo odyaasha qabaa’ilka

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo beelaha Soomaalida, isaga oo shalay galab qaabilay odayaal ka socday Beelaah Hawiye.

Kulankan oo shalay ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa ahaa mid si gaar ah looga hadlay arrimaha dastuurka iyo qaladaadka ku jira, waxaana odayaasha beelaha Hawiye dalbadeen in laga saaro qaladaadka ku jira.

Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa Madaxweynaha u gudbiyay cabasho ku aadan dastuurka oo ay tibaaxeen inay kala siman yihiin beelaha kale, waxaana ay ka hadleen arrinta ku aadan caasimada muqdisho maqaamka ay yeelaneyso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Muqdisho caasimadeeda in aan shaki la geli karin, waxaana uu tilmaamay in wixii qalad ee jira dib laga saxayo, isagoo cadeeyay inay jireen qaladaad dhanka qoraalka ahaa.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dowladda ay heysato waqti kooban oo ku aadan sidii KMG looga bixi lahaa, waxaana uu ka codsaday odayaasha inay meel mariyaan dastuurka.

Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa inuu si kala gaar gaar ah ula beelaha Soomaaliyed, waxaana qorshahiisa qeyb ka yahay sidii lagu soo xuli lahaa ergooyinka ansixineysa dastuurk.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ka yar 40-cisho uga harsan waqtigeeda,waxaana 20-ka agosto ku beegan tahay, xilliga kama dambeysta ay ku eg tahay KMG, lana filayo in dowlad rasmi ah loo gudbo.