Madaxweyne Sharif oo qudbad xasaasi ah ka jeediyey shirki Golaha Amaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbad uu shalay ka jeediyey shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uga hadlay xaalada haatan ka jirto Soomaaliya.

Khudbada Madaxweynaha oo aheyd afka carabiga, balse lagu turjumayay luqada Ingiriiska ayaa xubnaha Golaha ammaanka ee 15-ka dal ka hor cadeeyay in dowladdiisa ay gaartay horumaro la taaban karo oo ka mid ah ammaanka, siyaasada iyo gar gaarka bani’aadanimada.

Madaxweyne Shariif ayaa mar uu soo hadal qaaday Dastuurka qabyo qoraalka uu sheegay in rajo wanaagsan ay jirto, sidii Dastuurka u najixi lahaa, isagoo xusay inay ka soo tala bixiyeen Qubaro iyo gudi culumo ah, isagoo tibaaxay in haatan ay u fadhiyaan oday dhaqameedyada soo xulida ergooyinkii ansixin lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo qaatay arrinta la xiriirta wada hadalka Somaliland, isagoo xusay inay diyaar u yihiin in dib u heshiisiin la galaan walaalaha reer waqooyi, waxaana uu carabaabay inay jiraan eedo ay tirsanayaan.

Waxaa uu ugu baaqay Golaha ammaanka inay ka qeyb qaataan qabsoomida shirweyno lagu adkeynayo midnimada Soomaaliya, isla markaana dhamaan dadka soomaaliyed ay dhulalkodoa ku noolaadaan nabad iyo dib u heshiisiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale cadeeyay in horumar laga gaaray Road Map-ka, isla markaana uu haatan gabo gabo marayo, waxaana uu xusay in dhowaan magaalada Addis Ababa uga qeyb galayo shir looga hadlayo waxyaabihii ka qabsoomay barnaamijka geedi socodka Soomaaliya ee Road Map.

Dhinaca kale shir jaraa’id oo uu Madaxweynaha ku qabtay Xarunta golaha ammaanka markii uu soo dhamaatay shirka ayaa isagoo afka Soomaaliga ku hadlayay uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dareenka beesha caalamka ee ku wajahan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay Caalamka hada u soo jeestay Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin in dadaaladaas la adkeeyo sida uu yiri.

Shirka Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ka dhacay New York ayaa lagu taageeray waxyaabihii u qabsoomay dowladda, iyadoo loogu baaqay dowladda inay ka qeyb galeyso qeybaha bulshada iyo haweenka geedi socodka nabada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.