Madaxweyne Sharif oo qudbad u jeediyey baarlamaanka cusub

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbadi ugu horeeysay u jeediyey baarlamaanka cusub.

Sheekh Shariif ayaa ugu hambalyeeyey xubnaha baarlamaanka in ay noqdaan xildhibaanadi ugu horeeyey ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo u mahad celiyey dhamaan dadki kasoo qeybgalay soo diyaarinta baarlamaanka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in hada la joogo waqtigi ay dowladiisu sugeysay, waxa uu ka codsaday shacabka iyo xildhibaanada in ay u nuglaadaan sharciga si dowlada cusub ay u noqoto mid sharciga dhowrto.

“Waxaan joognaa maalinti aan u soconay, hal sano waxaa laga shaqeynayey in aan halkaan imaano, maanta waxaan ku guuleysanay in aan baarlamaan dhaarino iyo in aan gudoomiye kumeel ah helno, beri waxaa bilaabanaya kulanki labaad ee baarlamaanka, dowlada in ay kumeel gaar ka baxdo waa wax aan aad u dooneynay waana gaarnay, xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in kuligeen aan u nuglaano sharciga si ay inoogu dhalato dowlad sharciga dhowrto,” ayuu yiri.

Kulanka xiga ee baarlamaanka ayaa noqon doono maalinta berito ah, iyadoona 25-ka ay warqadahooda soo gudbin doonaan musharaxiinta gudoomiyaha baarlamaanka si 26-ka loo doorto gudoomiyaha.
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta ugu ekaa waqtigeedii loo qoondeeyey kadib marki dalka ay kasoo shaqeyneysay mudo 8 sanadood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here