Madaxweyne Sharif oo qaabilay safirta Turkiga u fadhiyo Muqdisho

Madaxweynaha Somalia Sahrif Shekh Axmed ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Turkiga u jooga magaalada Muqdisho.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa madaxweyne Shariif guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Turkiga oo ku amaanay madaxweynaha guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda iyo ammaanka.

Mr. Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ugu hambalyeyneyso ansixinta dastuurka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u sheegay danjiraha Turkiga in Soomaaliya ay xusuusnaan doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo gurmadkii ay u fidiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday waddanka sanadkii hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here