Madaxweyne Sharif oo Nairobi kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa xilka madaxtinimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Somalia Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay inuu isu soo sharaxayo doorashada madaxtinimada dalka, xilli laba bilood oo qura ay uga dhimantahay waqtigiisa xasiiska.

Wareysi uu  siiyey AFP ayuu ku sheegay in uu u shaqeyn doono dadka Soomaaliyeed hadii mar labaad lagu aamino xilka madaxweynaha waqtiga soo aadan ee doorashooyinka bisha August.

Hey’adaha dowlada ee dastuuriga ah ayaa waqtiga ka dhacaya labada bil ee soo aadan, waxaana sida qorshuhu yahay jiri doona tartan loo gali doono xilka madaxweynaha oo la qaban doono 20-ka August.

Sida lagu cadeeyey shirki Adis Ababa, jadwalka loo qabtay qaabka loo wajahayo doorashooyinka iyo ka guurista KMG, waxa ay Soomaaliya gali doontaa waa cusub oo siyaasadeed oo la filayo in uu ka wanaagsanaado sidi hore.

Sheekh Shariif oo ay doorteen baarlamaanka haatan waqtiga kasii dhamaanayo 31-ki January ee sanadki 2009 ayaa mudadi uu xilka hayey waxna u qabsoomeen waxbadana lagu dhaliilay.

Shariif waxa uu sheegay mudadi uu ahaa madaxweynaha inuu xooga saaray oo uu wax badan ka qabtay la dagaalanka argagixisada sida uu hadalka u dhigay kuwaasi oo uu yiri waxa ay dhibaato ku hayaan gobolka.

2 COMMENTS

  1. Asc, Run ahaanti maanta ma taagna qabiil hebel iyo qabiil hebel. Waxay taagan tahay sideen ku badbaadinaa Soomaaliya sideen dib ugu soo celinaa Qaranimadii iyo sharaftii luntay.

    Waan aamisanahay in uu yahay Madaxweyne Sheekh Shariif ninka arintaa doorka fiican ka ciyaari kara.

    Marka aan qabyaalada joojino iyo faquuqa aana taageerno Soomaaliya iyo madaxweynaheena. Soomaaliya ha noolaato

  2. s/c…

    weli waa idin fiirsaneynaa hadaad tihiin hawiye riwaayada hada waa break time.
    aan isku soo nasano and let see what is the plan for the next 20 years in hawiye agenda!

Comments are closed.