Madaxweyne Sharif oo marki ugu horeysay cagta dhigay xeradi hore ee Maslax

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta kormeeray goobihi ugu danbeeyey ee ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Al Shabaab ee magaalada Muqdisho.

Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo mas,uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo tagay xerada Maslax iyo deegaanka Darmooley ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kula hadlay saraakiisha hogaamineyso ciidamada.

Hadal uu ka jeediyey Darmooleey ayuu ku sheegay inuusan hakan doonin howlgalka ciidanka dowlada ay ku qabnayaan dalka Soomaaliya, isaga oo soo dhaweeyey cid kasta oo nabada ka shaqeyneyso.

“Anaga cid kasto oo ka tanasusho mabda,a qaloocan Al Shabaab iyo AL Qaacida waan la hadleynaa waana soo dhaweyneynaa waana caawineynaa, waxaa jira dad badan oo isku dayaya in ay jalaafeeyaan dadaalka nabada, waxaan leeyahay ka qeybqaata dadaalada socda waxaan diyaar u nahay cid kasto oo wax tabaneyso inaan xalino,”

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa Jimcihi lasoo dhaafay ka qabsaday Al shabaab fariisimo muhiim ah oo ku yaala dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ku jiraan Xerada Maslax iyo deegaanka Darmooleey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.