Madaxweyne Sharif oo maamul cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan

War dag dag ah oo goor dhaweyd nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu maamul cusub u magacaabay.

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha oo laga aqriyey munaasabad ka dhacday xarunta wasaarda arrimaha gudaha ee Oto Oto ee magaalada Muqdisho ayaa gudoomiye loogu magacaabay C/fataax Xasan Afrax.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu magacaabay afar gudoomiye ku xigeen oo uu yeesho maamulka gobolka Hiiraan kuwaasi oo ku xigeeno u noqday C/fataax Xasan Afrax.

Goobta loogaga dhawaaqay waxaa joogay xildhibaano kasoo jeedo gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ugu sareyso wasaarada arrimaha gudaha, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Magacaabista C/fataax Xasan Afrax oo horay u ahaa madaxweynaha maamulka Dooxada Shabelle ayaa soo jiitameysay mudo bil ah, waxaana mudadaasi socday wada hadalo oo uu madaxweyne Sharif kula jiray xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan oo uu aaqirki ku qanciyey in ay aqbalaan shaxda loo sameeyey maamulka cusub ee Hiiraan.

Gobolka Hiiraan ayaa waxa dega qabiilo badan kuwaasi oo uu ka dhaxeeyo xafiiltan dhinaca siyaasada ah, waxaaa sugaya maamulka cusub howlo adag oo uu ugu horeeyo amaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.