Madaxweyne Sharif oo la kulmay abaan duulaha ciidamada Jabuti

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jabuti.

Mr Zakariye Sheekh Ibrahim oo maanta marki uu soo gaaray garoonka Adan Cade uu halkaasi kusoo dhaweeyey abaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, General Dhagabadan ayaa shirki uu la qaatay madaxweynaha waxa ay kaga hadleen ciidamada cusub ee ay Jabuti usoo direyso Soomaaliya.

Ciidamadaan oo gaaraya hal cutub ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho iyaga oo ku biiri doona howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

Madaxweyne Sharif ayaa uga mahad celiyey Jabuti sida ay u garab taagantahay iyo dadaalka ay ugu jirto dib usoo celinta nabada Soomaaliya.

Dowlada KMG ayaa diyaarisay halki la dajin lahaa cidamadan iyada oo la kaashaneyso saraakiisha AMISOM.

Madaxweynaha Jabuti ayaa todobaadki hore dhamaadkiisi booqday ciidamadaan isaga oo u jeediyey dardaaranki ugu danbeeyey.

Ciidamada AMISOM ee hada jooga Muqdisho ayaa waxa ay ka kala socdaan dalalka Uganda iyo Burundi.

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com