Madaxweyne Sharif oo kulan xasaasi ah haatan kula jira wafdi ka socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la leh wafdi ka socda beesha caalamka.

Kulanka oo ah kulan muhiim ah ayaa waxa uu ka socdaa garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Ra’isulwasaaraha xiligiisu dhamaaday Cabdiwali Gaas.

Arrinta looga hadlayo ayaa ah waqtiga kala guurka iyo sidii qaab nabad ah ay ugu dhici laheyd doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Sheekh Shariif ayaa la sheegayaa in wafdiga ka dhaadhicanayo sidi dib loogu soo celin lahaa baaralamaanka 64 mudane oo ay gudiga farsamada ee xulista baarlamaanka horay u diideen.

Xubnaha beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay go,aanki ugu danbeeyey kasoo gaareen arrintaasi, taasi oo la leeyahay waxaa ku cadaadinayo madaxweynaha.

Xubnaha la celiyey ayaa ah xildhibaanadi ugu badnaa ee beesha Hawiye kuwaasi oo uu madaxweynahana isku haleynayo inuu codad kale, hadii la waayana ay keeni karto in ay cariiri iyo qal qal gasho doorashadiisa.

Si kastaba, waxaa la leeyahay hadii xildhibaanadaasi la soo celin waayo waxaa ay keeni kartaa qalalaaso siyaasadeed oo xiligaan ka dhasha dowlada cusub ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here