Madaxweyne Sh. Sharif oo kormeeray xarunta Bankiga Dhexe

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay bankiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo u kuurgalayey habka uu u shaqeeyo bankiga ayaa socod ku maray dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay isaga oo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha bankiga.

Kusimaha gudoomiyaha Bankiga Dhexe, Adan Maxamed Nuur (Adan Saransoor) oo halkaasi kusoo dhaweeyey madaxweyne Sharif ayaa kusoo wareejiyey qeybaha uu ka koobanyahay gaar ahaan qasnada guud ee bankiga.

Madaxweyne Sharif ayaa kula dardaarmay madaxda bankiga iyo dhaqaalaha intaba in ay u gutaan howlahooda si daacadnimo ah iyo in ay ka shaqeeyaan sidi ay dalkaan ugu xafadi lahaayeen hantida.

Bankiga dhexe ayaa waxaa ku dhaca dhaqaalaha kasoo xarooda Dekada Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com