Madaxweyne Sharif oo habeenki sadexaad kormeeray saldhigyada ciidanka Muqdisho

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenki sadexaad kormeer ku tagay saldhigyada iyo isgoysyada ay fariisimaha ku leeyihiin ciidamada amaanka.

Booqashada madaxweynaha oo xalay ka bilaabay gudaha degmada Xamar Weyne ayaa aheyd mid inteeda badan uu ku marayey degmooyinka dhaca dhinaca xeebaha ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo ay la socdeen wariyaasha dowlada ayaa meelaha uu tagay waxaa ka mid ah saldhiga Xamar Weyne, Saldhiga Dhexe, Saldhiga Kaaraan, iyo isgoysko ay ka mid yihiin isgoyska Jiirada ee degmada Kaaraan.

Isgoyska Jiirada ayuu madaxweynaha kula hadlay wariyaasha isaga oo sheegay in ciidanka loogaga baahanyahay in aysan seexaan oo aysan marnaba ka jiifan sugida amniga shacabka Muqdisho.

Degmooyinka kale ee uu maray waxaa ka mid ah Shangaani iyo C/casiis oo iyana ka mid ah deegaanada ay gacanta ku heyso dowlada KMG Soomaaliya.

Waa habeenki sadexaad oo uu madaxweynaha xilli habeen saq dhexe ah uu booqanayo saldhigyada iyo isgoysyada ay fariisimaha lagu sugayo amaanka ku leeyihiin ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.