Madaxweyne Sharif oo habeenki labaad oo xiriir ah booqday saldhigyada booliska

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed ayaa habeenki labaad oo xiriir ah booqday isgoysyada iyo saldhigyada ciidanka booliska ee magaalada Muqdisho.

Kormeerka madaxweynaha ayaa ka duwanaa kii habeen hore, maxaa yeelay xalay waxaa la socday wariyaal ka kala socday TV-ga dowlada iyo Universal TV oo labaduba ku hadla afka Soomaaliga, waxaa kale oo ku wehliyey taliyaha nabad sugida iyo taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.

Waxa uu ka bilaabay kormeerkiisa aaga madaxtooyada gaar ahaan fariisimaha ay ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada Wardhigleey, isaga oo kadibna jidka Wadanaha kaga dhacay isgoyska Falorenza, waxa uu kadib ku dagtay Isgoyska Siinaay halkaasi oo uu kaga sii talaabay Afarta Darjiino.

Saldhigyada uu madaxweynaha booqday waxaa ka mid ah saldhiga degmada Yaaqshiid oo ay xaadir ku ahaayeen xiligaasi gudoomiyaha degmada iyo taliyaha saldhiga.

Hadalo uu ka jeediyey madaxweynaha saldhigyadi uu booqday ayuu kula dardaarmay ciidamada in aysan ka seexan amaanka magaalada har iyo habeen.

Waqtiga uu kormeerka bilaabay ayaa aheyd 2:30 daqiiqo isaga oo kusoo gaba gabeeyey saakay salaadi subax ka hor sida ay sheegayaan wariyaashi la socday.

Tani ayaa imaaneysa kadib marki laba habeen oo isku xigta todobaadkan Al Shabaab madaafiic ku duqeeyeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.