Madaxweyne Sharif oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garawe

Wafidgi madaxweyne Sharif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo duhurnimadi maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo golahiisa wasiirada.

Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole ayaa lagu wadaa in daqiiqado kadib ay shir jaraa’id ku qabtaan gudaha garoonka diyaaradaha waxaana ay si wada jir ah uga hadli doonaan arimaha siyaasada.

Wafdiga Madaxweynaha dowlada KMG ayaa ah kii ugu horeeyey ee wufuuda ka qeybgaleyso shirka wada tashiga ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Garoowe.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.