Madaxweyne Sharif oo furitaanka Tiyaatarka ku tilmaamay soo laabashadi nabada iyo horumarka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qudbad muhiim ah ka jeediyey dib u furida Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya ku sifeeyey soo celinta Golaha Murtida iyo Madadaalada soo laabashada nabada.

Sheekh Sharif oo marka hore u mahad celiyey abwaanada, fanaaniinta, saxaafada, madaxda iyo dhamaan marti sharafka kasoo qeybgalay xaflada ayaa si kaftan ah wax uga sheegay ruwaayad Hobalada Waabari ku fureen bandhigi galabta taasi oo uu madaxweynaha sheegay inuu fasiri waayey.

“Waxaan rabaa in aan si xoogan ugu mahad celyo fanaaniinta Soomaaliyeed ee cabiray xaaldi lasoo maray iyo xaalada loo socdo, hadi aan iska kaftamo, ruwaayadi maanta marna waxay ka sheekeyneysay Jaceyl marna siyaasad, marka halki uu jaceyl ka jiro nabad ayaa ka jirto,” ayuu yiri.

Isaga oo cabirayey awooda uu masraxa ku leeyahay aduunka ayuu ku tilmaamay wax umada walba laga cabiro horumarkeeda aduunkuna uu dal walbo ka daawado.

“Masraxa waa wax dadyoowga aduunka ka fiirsadaan waxa ay umadi sameyneyso horumar iyo dib u dhac, anagana waxaan aduunka u aheyn masrax oo mudo ayey na daawanayeen, haatan waxay daawanayaan dadka aduunyada bilowgi horumarkeena,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sharaxay micnaha fanka iyo ahmiyada uu u leeyahay shacab kasta oo caalamka ah, isaga oo aad u amaanay doorki fanaaniinta Soomaaliyeed iyo suugaanleyduba kasoo ciyaareen horumarka dalka iyo waxa haatan laga doonayo.

“Fanka waa wax la nool dadka oo la socda waayaha shacab soo maray iyo kuwa haatan socda, fanaanka Soomaaliyeed wax badan ayuu soo jiray Soomaalidana fanka hodon ayey ka tahay, waxaa la sheegaa dalkaan taariikhdiisa meelaha laga soo qaatay ee laga ogaaday waxa ka mid ah xiriirka Soomaaliya ay la laheyd dalalka caalamka gaar ahaan Masaarida 700 oo sano ka hor Dhalashadi Nabi Ciise (CS) waxaa halkaan soo booqatay Soomaaliya boqaradi Masaarida ee xilgaasi waxaana noo sheegay fanaanka oo derbi ku qoray, marka fanka isaga oo noocyo kala duwan kala leh ayuu taariikhda meel wanaagsan kaga jiraa, hadii aan rabno in aan kor u qaadno niyada dadka waa in aan helnaa fanaaniin waana heysanaa sida hobolada waabari, marka aan rabno in ciidamadeena kala duwan aan ee geesiyaasha ah kor u qaadno niyadooda waxaan u baahanahay in aan fanaanka adeegsano, fanaanka wuxuu tilmaamaa horumar, niyad wanaag iyo nabad taasina waa wax aan u bislaanay oo aan u baahanahay,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa milicsaday heerarki uu soo maray fanka Soomaaliyeed iyo marki danbe sida uu isu badalay, waxaana uu haatan sheegay in fanaaniinta iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ka wada qeybgalayaan taariikh cusub oo ay Soomaaliya hiigsaneyso.

“Soomaalida xiliyadi hore waxaa la adeegsan jiray gabayga, hada waxaa lasoo gaaray xilli gabayga hees loo badalo oo laxan la saaro, taasna waxay fududeysay in dadka ay si dag dag ah u fahmaan, marxaladaas lasoo gaaray waxay muujineysaa taariikh weyn, qofki xasuusto masraxa Soomaaliya halka uu soo gaaray iyo haatan iminka sida uu marayo wuu murugoonayaa, haatan waa in aan soo nooleynaa fanka waana muhiim, marka waxaan ka wada qeybqaadaneynaa taariikh cusub oo ay Soomaaliya leedahay taasi oo ah dadka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan horumar iyo nabad in la hiigsado daruufo badan ayaan soo marnay laakin waxaan hubaa inaan joogno halki looga baxaayey, ilabxnimada waxay ka bilaabataa meesha dhibka looga baxo waxaan haatan hiigsaneynaa nabad iyo iskaashi iyo walaaltimimo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday lacagihi hey’adaha kala duwan ee dowlada la saaray si loogu dayac tirio tiyaatarka taasi oo uu ku sheegay in ay meel wanaagsan mareyso, waxa kale oo uu sheegay in kulanka kale ama bandhiga kale ee tiyaatarka ay dadku imaan doonaan isaga oo dayactiran, iyadoo dowladana la kaashan doonto hey’ada CRD.

Ugu danbeynti madaxne Shariif ayaa u balan qaaday fanaaniinta Soomaaliyeed in qiimaha ay mudanyihiin.
“Dowlada KMG waxay fanaanka siin doontaa qiimaha uu mudanyahay, marka waa farxad weyn in aan halkaan isugu imaaano, daawano wixi fanaanka Soomaaliyeed inoogu tala galay, waxaan leenahay umada Soomaaliyeed ha guuleysato fanaanka Soomaaliyeed ha guuleysto, dowladana ha noqoto mid fido oo guuleysato,”

Munaasabadi maanta lagu furay tiyaatarka ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu qiimaha badnaa dhowrki sano ee lasoo dhaafay oo ka dhacda magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.