Madaxweyne Sharif oo dalka kusoo laabtay (Daawo sida loo soo dhaweyey)

Iyadoo ay soo dhawaatay waqtigi uu ka dagi lahaa kursiga ayaa waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweeyne Sheikh Shariif oo ay wehliyeen wasiirada gaashaandhiga iyo iyo arimaha dibadda xukuumada KMGs ayaa waxaa garoonka Aadan Cade kusoo dhoweeyay masuuliyiin katirsan dowolada sidookale waxaa kamid ahaa cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida oo uu madaxweeynaha salaam sharaf kaqaatay.

 

 

Waxa uu kasoo laabtay Shariifka safaro kala duwan oo uu ku tagay dalalka Itoobiya, South Africa, Budundi iyo Kenya, isaga oo mudadi uu maqnaana kulamo kala duwan lasoo qaaday madax kala duwan.

Madaxweeynaha ayaa waxa hor yaala shaqo adag iyo waqti yar, howlaha koowaadna waa guda galida shaqada dhameystirka Tubtanabada xilli waqtigana uu gabaabsi ku yahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.