Madaxweyne Sharif oo dalka kusoo laabtay

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka kusoo laabtay kadib lix cisho oo uu ku maqnaa safaro dalal ku yaala Yurub iyo Africa.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Cade kusoo dhaweeyey madax ka tirsan dowlada iyadoo inti uusan imaan la xiray wadada isku xidhto gagada Adan Cade ilaa iyo madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa kasoo ama baxay magaalada Carusha oo uu ku sugnaa labadi maalin ee lasoo dhaafay, inti uu joogay waxa uu lasoo kulmay madaxweynaha dalka Tanzania Jakaye Kakwata oo ay ka wada hadleen xiririka labada dal.

Dowlada Tanzania aya balan qaaday in ay ka saacidi doonto dowlada TFG-da dhisida ciidamada qaranka Soomaaliya.

“Waxaanu dooneynaa in Tanzania ay caawiso Soomaaliya si hey’adaha dastuuriga ah ay u noqdaan kuwa istaaga, waxaana haatan wadnaa qorshe aan ku dhiseyno ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mr. Kakwate.

Madaxweyne Jakaya Kikwete ayaa sheegay in haatan ay kasoo rayneyso xaalada guud ee amaan ee Soomaaliya laakin ay u baahantahay in wali wax laga qabto arrimaha amaanka ee Soomaaliya.

“Xaaladaha amaanka Soomaaliya horumar ayaa laga gaarayaa laakin arrimaha siyaasada ayaa kasii daraya oo qasan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Sheekh Shariif wuxuu kasoo qeybgalay shirki Istanbul ee Soomaaliya ku saabsnaa isaga oo halkaasi kasoo jeediyey qudbad dhinacyo badan taabatay oo uu ku codsaday in Soomaaliya laga taageero in loo dhiso ciidamo xoog leh.