Madaxweyne Sharif oo dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridi C/laahi Yusuf

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa uga tacsiyeeyey dhamaan umada Soomaaliyeed geeridi ku timid madaxweynihi hore Somalia C/laahi Yusuf Axmed.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada ayuu Shekeh Shariif kaga dhawaaqay gudi kasoo shaqeeya aas qaran oo loo sameeyo marxuumka.

Gudigaan ayaa waxa madax u noqon doona C/wahaab Ugaas Xuseen oo ah Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga, sidoo kale waxaa kala shaqeyn doona wasaarada diinta iyo awoqaafta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Muqdisho loogu sameyn doono munaasabad janaasa ah, balse meydka C/laahi Yusuf Axmed lagu aasi doono magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay.

Ugu danbeynti madaxweynaha ayaa ka codsaday dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan inti wax un ka tabaneysa in ay cafiyaan Marxuum C/laahi Yusuf, maadaama buu yiri ay jiri karto dad wax u qaba mar hadii uu ahaa madaxweyne.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed ayaa saakay ku geeriyooday isbitaalka Sheekh Zaayid ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.