Madaxweyne Sharif oo cod dheer ku codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta baaq u jeediyey beesha caalamka kaasi oo uu kaga codsanayo in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta xaga hubka.

QUdbad uu ka horjeediyey kumanaan ruux oo isugu soo baxay banaanka meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya kuwaasi oo diidanaa Al Qaacida ayuu ka sheegay madaxweynaha in aysan u dul qaadan karin in beesha caalamka ay diido in ay xayiraada hubka ka qaado Soomaaliya.

“Waan ka xunnahay in beesha caalamka ay dhahdo Soomaaliya maka qaadeyno cuna qabateynta xaga hubka, dalkaan waa dal bur buray waxaana joogta Al Qaacida 20-sano oo fowda ahna waan soo marnay, marka sideen ku dhisnaa ciidamadai qaranka hadii aanan la qaadeyn cunaqabateynta xaga hubka,” ayuu yiri.

Madxweynaha ayaa sheegay in dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya aysan wax hub ah siin karin sidoo kalana dowlada KMG aysan awoodin in ay is qalabeyso maxaa yeelay waxa qabanaya xayiraada hubka ee uu Golaha Amaanka saaray.

Dalka Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad dhexe oo si saani ah u shaqeyso mudo 21 sana ah, ayaa hada waxa usoo muuqday ififaalo dowladeed oo ay horseed ka noqotay dowlada Sheekh Shariif, waxaana cuna qabateynta la saaray sanadki 1991-ki.