Madaxweyne Sharif oo beeniyey eedeynti baanka aduunka

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixinti Baanka Aduunka ee ku saabsaneyd lacagaha lagu tuhmayo in ay lunsatay dowladiisa.

Sheekh Sharif wuxuu sheegay in warbixintaasi ay aheyd mid aanan aas aas laheyn, isaga oo taasi ku sababeeyey in dowlada KMG Soomaaliya aysnaba helin lacago intaasi la eg.

“Anaga maba helin lacago intaasi la eg, marka Baanka Aduunka isaga ayaa laga rabaa wixii daliilo ah, waan soo dhaweyneynaa baaritaanada ay sheegeen,” ayuu yiri.

Sheekh Sharif ayaa dhanka kale soo dhaweeyey murashaxiinta isa soo tareysa ee isu soo taageysa doorashooyinka soo aadan.

Shalay galab waxaa murashaxnimadiisa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo mar xulufo la ahaa Sheekh Shariif balse sanadihi dhawaa ay ku kala fogaadeen siyaasada.