Madaxweyne Sharif: “Madaxweynanimo hadii ay macna sameyneyso way soo martay”

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbad uu maanta ka jeediyey caleema saarka madaxweynaha cusub kaga hadlay waaya aragnimadiisa xilka madaxtinimo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in uu dalka wax ugu soo qabtay mudadi uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, balse ay tahay shaqo iyo xil aad u culus uusanna qofna wadi karin hadii aanan gacan lasiinin.

Waxa kale oo uu sheegay inuu jeclaa inuu sii ahaado madaxweyne balse uu ku qancay sanduuqa cod bixinta ee baarlamaanka, qof kastaana looga baahanyahay inuu sidaasi u aqbalo.

“Madaxnimo hadii ay macna sameyneyso waa isoo martay waxi aan qaba karana waa soo qabtay, waa jeclaa in aan sii wato laakin sanduuqa codka ayaan ku qancay” ayuu yiri.

Sheekh Shariif oo ay Soomaalida iyo caalamkaba ku amaaneen sidi uu u aqbalay in doorashada loogaga guuleystay ayaa soo hadal qaaday arrintaasi, isaga oo sheegay inuu sidaasi u yeelay si aysan Soomaaliya dib ugu laaban isaguna uu bur buriyo shaqadi uu soo qabtay.

Wuxuu balan qaaday inuu diyaar ula yahay wixi tala ah ee uu soo weydiisto madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, balse ka codsaday dadka kale in aanan madaxweynaha talooyin lagu wareerin ilaa uu isaga dalbado mooyee.

Dhanka kale xafladi maanta lagu caleema saaray madaxweynaha cusub waxaa dadki ka hadlay ugu muhiimsanaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marki uu masraxa soo istaagay aad loogu sacbiyey dadkuna u muujiyey qiiro walaaltinimo.

Mr. Geele Soomaalida xaflada joogtay dhamaan qeybaheeda kala duwan way u istaageen taasi oo ay ku ku muujiyeen sida walaaltinimada leh ee uu uga shaqeeyey nabada iyo dowladnimada Soomaaliya 20-ki sano ee lasoo dhaafay.

Hadal uu ka jeediyey munaasabada ayuu ku sheegay in uu aaminsanyahay in Xasan Sheekh Maxmuud uu dalka hogaamin doono kuna guuleysan doono waajibaadkiisa isaga oo heysta xariga ALLE.

Wuxuu sheegay in dalka uusan taagnaan karin hadii uusan jirin ciidanka qalabka sida oo xoogan, sioo kalana uusan madaxweynaha shaqa qaban karin hadii uusan heysan taageerada shacabka.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo hadal dheer ka jeediyey ayaa sheegay in Itoobiya ay garab taagan tahay madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana xiriirka ka dhaxeyn doono labada dhinac uusan aheyn mid siyaasadeed oo qura balse uu yahay mid walaaltinimo.

Turkiga ayaa isna goobta ka sheegay in uu halkiisa kasii wadi doono taageerada xooga leh ee uu u wado shacabka Soomaaliyeed, uguna hambalyeeyey madaxweynaha cusub xilka culus ee loo dhiibay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu danbeyntii ka gudoomay madaxweynihi hore feyl ay ku jireen dukumintiada qaranka, calanka Soomaaliya.

Qudbad uu jeediyeyna wuxuu mar kale ku celiyey sidi uu shalay u dhashay inuu xooga saari doono sanadaha hore amaanka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ugu danbeyntiina caleema saarki maanta ka dhacay Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye waxay aheyd tii labaad oo abid ka dhacdo Soomaaliya, marki ugu horeysay waxaa sidaan oo kale xilka u wareejiyey sanadki 1967-ki madaxweynihi ugu horeeyey dalka Adan Cabdulle Cismaan (Adan Cade) isaga oo ku wareejiyey madaxweynihi labaad ee dalka C/rashiid Cali Sharmaare.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here