Madaxweyne Sharif iyo Madaxweyne Faroole oo shir jaraa’id ku wada qabtay Garoowe (Dhageyso)

Shir jaraa’id oo ay galabta gabal dhici ku wada qabteen magaalada Garoowe ayey kaga hadleen arimo ku saabsan shirka wada tashiga ee lagu wado in lagu qabto magaalada halkaasi.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya oo aanan hadalo badan halkaasi ka jeedin ayaa uga mahad celiyey dadka reer Garoowe sida wacan ee ay usoo dhaweeyey isaga oo ku tilmaamay soo dhaweyn uu aad ugu farxay.

Madaxweyne Faroole oo dhawaan sheegay in ay isu tashan doonto Puntland hadii shirka wada tashiga uu dhici waayo 20-ka bishan oo beri ku beegan, ayaa galabta ku dhawaaqay inuu dib u dhacay shirka.

Mr Faroole ayaa laakin sheegay in hal maalin oo qura dib loo dhigay shirka lana qaban doono Arbacada oo ku beegan 21-ka bishan December.

Wafdiga madaxweyne Shariif oo ay ka mid ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ayaa noqonaya kuwi ugu horeeyey ee gaara magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha baarlamaanka ee kurisigiisu muran ka taaganyahay ayaanan la ogeyn inuu ka qeybgali doono iyo in kale, hase yeeshee warar aanu ka helnay xafiiska gudoomiye Shariif Xasan waxay noo xaqiijiyeen inuu tagi doono Garoowe.

Dhageyso Shirkii ja’raa’d ee Madaxwene Sh Shareef iyo M. Puntland Faroole

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com