Madaxweyne Sharif: ‘Gudi ayaan u xilsaaray wada hadalada walaalaheen Somaliland’

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu gudi u xilsaaray wada hadalo ay dowlada la gasho maamulka Somaliland.

Hadal uu maanta ka jeediyey munaasabada maalinta haweenka Soomaaliyeed ee 8-da Maarso ayuu ku sheegay in ay u saarayaan arinta wada hadalada gudi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac.

“Waxaad la socotaan walaaleehn reer Waqooyi qeybta weyn ay ku lahaayeen xoreynta dalka iyo midnimada umada Soomaaliyeed, waxaad la socotaan horumarka ay ka sameeyeen deegaankooda, waxaa lagama maarmaan ah in fursadaasi qaaliga ah kuligeen aan u diyaar garowno, dowlada waxay diyaar u tahay in ay si dhaqso leh gudi ugus aarto si ay walaalaheen Somaliland ay wada hadalo noola bilaabi lahaayeen,”

Wuxuu soo dhaweeyey madaxweynaha horumarada ay sameeyeen maamulada ka hana qaaday dalka Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay Somaliland iyo Puntland.

“Maamulada dhismay anaga midnimadooda iyo horumarkooda ayaan taageereynaa, Soomaalida mar walbo waxaa ka timaado kala tabasho dowladana qeylo ayaa uga imaaneyso arintaasi, anaga ujeedadeenu waa in aan raadino sidi loo mideyn lahaa maamul kasto oo aanan lasii kala qeybin,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday maamulka Khaatumo oo uu sheegay in ay dowlada aqoonsatay si midnimo iyo nabad loo raadiyo.

“Baryahaan waxaa suuqa ku jirtay in ay bur buriso Somaliland ama Puntland arintaasi waxba kama jiraan, soo dhaweynta Khaatumo waxaan ugala jeednay nabadeyn iyo midnimo ee ma ahan in aan maamul kale ku kala qeybinay,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa dhawaan cambaareysay aqoonsiga ay dowlada KMG Soomaaliya siisay maamulka Khaatumo oo ay u arkaan in lagu bur burinayo madaxbanaaniada ay 20-ka sano raadinayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.