Madaxweyne Sharif: Dowlada cusub waxay horseedeysaa horumar dhaqaale

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qaba in ka bixida KMG-nimada ay keeni doono kobac xaga dhaqaalaha ah oo ku yimaada dalka.

Isaga oo ku sugan magaalada Nairobi oo uu xalay gaaray, ayuu Sheekh Shariif u sheegay wariyaasha inuu u hanweynyahay in dowlada cusub ee u dhalan doonta Soomaaliya dhamaadka bishaan in ay la imaan doono is badal xaga dhaqaalaha ah.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha ee Jasiirada Seychales iyo Waiisirka gaashaandhiga dalka Kenya Yusuf Haji iyo Jeef Morgan.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha mudane C/samad Macalin Maxamuud, C/qaadir Macalin Nuur oo ka tirsan hoggaanka ASWJ iyo masuuliyiin kale.

Maanta ayaa lagu wadaa in ay Magaalada Nairobi isku arkaan xogahayaha arrimaha dibada Mareykanka Hilary Clinton iyo madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here