Madaxweyne Sharif: “Ciidamada Itoobiya waxay ku laaban doonaan xuduudaha”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faah faahiyey habka ay uga bixi doonaan ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya, wax yar kadib marki uu dalka dib ugu soo laabtay.

War kooban oo uu saxaafada siiyey ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada Itoobiya ay ku lug lahaadaan howgalada lagu taageerayo ciidamada dowlada ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in ay dib ugu laaban doonaan ciidamada Itoobiya xuduudaha dalka marka ay ciidamada AMISOM lagu wareejiyo aagaga ay qabteen Itoobiyaanka.

“Marka hore waxaan u hambalyeynayaa ciidamada qalabka sida, ciidamada Itoobiyana waxaan uga mahad celinayaa gacanta ay nasiiyeen, qorshuhu wuxuu yahay marka howlgala uu dhamaado in ciidamada Amisom ay meesha tagaan markaasi kadibna ay ciidamada Itoobiya ku laabtaan xuduudahooda,” ayuu yiri.

Soo dhaweynta maanta loo sameeyey madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee loo sameeyo madaxweyne sanadihi ugu danbeeyey dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.