Madaxweyne Sharif: “Amisom masii joogi doonaan ee waa in la dhisaa ciidan xoog leh”

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ayaa ka dhawaajiyey in mustaqbalka dhaw ay dalka ka tagi doonaan ciidamada Amisom sidaasi daraadeedna loo baahanyahay in la dhiso ciidan xoog leh oo Soomaaliyeed.

Shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kadib marki uu kasoo laabtay socdaalo uu maalmahan ku marayey dalalka dibada ah ayuu ku sheegay baahida loo qabo in la helo ciidamo awood leh oo Soomaaliyeed.

“Hadaan ciidamada qalabka sida la hagaajin amni lama heli doono, ciidamada Amisom way bixi doonaan, marka waa in la diyaariyaa ciidanka qalabka sida, hada waxbaa noo bilaaban inta kalana waan wadnaa,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa ka hadlay guushi ay ciidamada dowlada ka gaareen dagaalki Afmadow  oo ah magaalo ay kala wareegeen Al Shabaab ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya.

“Howshi laga qabtay Afmadow waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada Kenya iyo kuwa Somalia waana guul taariikhi ah, umada waxaan ugu baaqayaa in aan ugu baaqo in ay gacmaha is qabsadaan,”

Ugu danbeynti madaxweynaha ayaa ka hadlay shirki Istanbul oo uu ku tilmaamay mid guuleystay.

” Shirki wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah, waxaana isu soo waafaqnay in loo diyaargaroobo howlihi qabyada ahaa si aan u gaarno dowladnimo taam ah, waxaan rabaa in aan u mahadcelino dowlada Turkiga oo soo qaban qaabisay,”

Hadalka uu Shariifka maanta siiyey warbaahinta ayaa waxa uu ku jiray qudbadii uu ka jeediyey Istanbul oo uu ku sheegay in ay Soomaaliya u baahantahay ciidan xoog leh oo qaran.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.