Madaxweyne Sharif: Al Shabaab hubka ha iska dhigaano

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday magaalada Afgooye ayaa ugu baaqay Al Shabab in ay xabada joojiyaan oo nabad qaataan.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xalay saldhig ay ciidanka Amisom ku leeyihiin Afgooye ayuu ku sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo kasoo laabtay Al Shabaab oo dowlada ku biiray, haatana ay soo dhaweynayaan qof kasta oo kusoo biireysa dhankooda.

Sheekh Shafir ayaa soo dhaweeyey lacagihi uu dhawaan Mareykanka dul dhigay hogaanka Al Shabaab taasi oo aheyd in cidi soo sheegta halka ay joogaan 7 sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab la siin doono lacago malaayiin doolar ah.

Wuxuu taasi ku sheegay in ay ku badin doonto cadaadiska haatan saaran Al Shabaab oo uu sheegay in ay uga sii dari doonto lacagaha la dul dhigay madaxooda.

Sheekh Shariif ayaa xalay ku hoyday magaalada Afgooye, iyadoo AL Shabaabna ay sheegeen in madaxweynaha uu marki labaad ka badbaaday weerar ay rabeen in ay ku qaarijiyaan.