Madaxweyne Sharif: “Al Shabaab asalkoodi hore waxaa lagu aas aasay lacag lasoo dhacay”

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Xarakada Al Shabaab oo xalay la midowday ururka Al Qaacida isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin koox aanan raad ku laheyn diinta Islaamka.

Hadal uu shalay ka jeediyey xaflad ka dhacday degmada Howlwadaag ayuu madaxweynaha kaga hadlay sifooyinka Al Shabaab iyo asalkoodi halka ay ka yimaadeen gaar ahaan hogaanka ugu sareeya.

Madaxweyne Sharif wuxuu tilmaamay in raga aas aasay ama madaxda Al Shabaab in ay yihiin dinbiilayaal lacago kasoo dhacay shirkad laga lahaa magaalada Hargeysa kuwaasi oo Muqdisho yimid iyaga oo iska dhigaya dad lasoo dulmiyey.

“Nimanka la yiraahdo Al Shabab iyo Al Qaacida waxaan rabaa in aan idiin shegeo asal ahaan maba ahan dad diimeed in aad fahantiin ayaa la idinka rabaa, dalkaan markeey imaanayeen dadka waxay u sheegeen in ay yihiin dad la dulmiyey oo magangalyo doon ah, dadka Soomaaliyeed faraqa ayey gashteen waxaa la yiri soo dhawaada, waxay ahaayeen niman danbiyo soo galay, lacagti ugu horeysay oo lagu aas aasay Al Shabaab waxay aheyd lacag laga soo dhacay shirkad ka howlgasho magaalada Hargeysa, dadka aas aasay kuligood waxay ahaayeen dad danbiile yaal ah, waxayna  u yeerteen dad u oomanaa dhiiga umada Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmay xilli ay Al Qaacida xalay sii daysay fariin muuqaal ah oo uu kasoo dhex muuqday hogaamiyahooda Ayman Al Dawahiri kaasi oo iclaamiyey in Al Shabaab iyo Al Qaacida ay midoobeen.

Al Shabaab ayaa ah urur diimeed oo hada toos ugu xirmay Al Qaacida, waxay dagaal kula jirtaa dowlada KMG Soomaaliya, dowlada Kenya, iyo ciidamada Amisom iyo kuwa Itoobiya.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.