Madaxweyne Sharif: Al Qacida iyo Shabab dhib ayey kala kulmi doonaan Galgala

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Al Shabaab iyo Al Qaacida ay dhibaato kala kulmi doonaan buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo lasoo warinayo in ay gaareen.

“Arinta Galgalo waa adkaan doontaa in xilli badan ay halkaasi sii joogaan Al Shabaab iyo Al Qaacida, laakin qorshe ayaa socdo oo wax loogaga qabanayo, meel kasto oo Soomaaliya ka mid ah loogama hari doono,”

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa shalay sheegay in Al Shabaab iyo Al Qaacida ay bad iyo bariba kasoo galeen dhulka Puntland, isaga oo codsaday in gacan lagu siiyo sidi ay ula dagaalami lahaayeen.

Madaxweynaha oo dhanka kale ka hadlay meelaha ay iminka dowlada u socoto ee duleedka Muqdisho in ay ugu horeyso Ceelasha Biyaha oo uu sheegay in dadka ku nool ay yihiin dad la heysto oo aanan xor aheyd.

Madaxweynaha ayaa milicsaday sanad ka hor halka ay joogeen ciidanka dowlada iyo iminka meelaha ay difaacyada uga jiraan, isaga oo intaasi raaciyey in Al Shabaab iyo Al Qaacida ay si weyn ugu jabeen dagaaladi ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka bilownay booqashada ciidamada sanadki hore meel u dhaw Maka Al Mukaram iminkana waxaan mareynaa Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha, dadka Ceelasha waa dad xoog lagu heysto ee ma ahan dad qiyaarkooda halkaasi ku joogo, waxaana ka codsaneynaa in ay dowlada gacan ka siiyaan in Al Qacida iyo Al Shabaab laga saaro, awooda Al Shabaab iyo Al Qaacida xoogooda waxay ku jabeen Muqdisho,” ayuu yiri.

Al Shabab ayuu ku eedeeyey in maalin kasto ay sameeyaan ficilo ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax caado u ah oo ay waligood ku jiri jireen sida uu hadalka u dhigay.

Shabaab ayaa dagaal kula jirto dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee jooga gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.