Madaxweyne Sh. Shariif Oo Buuxiyey Sharuudaha Ka Mid Noqashada Musharixiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta buuxiyey shuruudaha Musharaxnimo isagoo si rasmi ahna uga mid noqday Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan gudiga doorashada Madaxweynaha Dalka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu galabta si rasmi ah u buuxiyey foomka amaba shuruudaha ka mid noqoshada musharixiinta xilkaasi u tartamaya.

Horey ayuu u shaaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu u taaganyahay markale inuu qabto xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si uu u dhameystiro howlihii uu horey u qabtay.

Xubnaha Musharixiinta ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dalka ayaa sii kordhaya ayadoo gudiga Doorashaduna ay shaaciyeen in Musharixiinta sharuudaha si rasmi ah u buuxiyey ay ku dhow yihiin Toban Musharax balse qabashada araajida Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ayaa ku eg maalinnimada berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 06da September 5ta galabnim.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com ,midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here