Madaxweyne Obama oo ka hadlay arrin lagu jahwareeray

Madaxweyne Obama oo ka hadlay arrin lagu jahwareeray
Madaxweyne Obama oo ka hadlay arrin lagu jahwareeray

Madaxweyne Obama ayaa amray in la xakameeyo uruurinta xogta ballaaran ee laga qaado taleefanada boqolaalka milyan ee qof ee ay xog aruurinta ku sameeyeen wakaaladaha sirdoonka Mareykanka gudaha iyo dibada dalkaas.

Mr Obama ayaa sidoo kale u xaqiijiyay xulufada Mareykanka in dalkiisa aanu dhageysan doonin isgaarsiintooda gaarka ah, ilaa in ay jirto ma ogiyee arrin dhanka ammaanka ah oo sidaa in la sameeyo qasab ka dhigeyso.

Hadalka Obama ayaa yimid xilli ay baahday caro caalami ah oo ka dhalatay baaxada ay leedahay howlgalada la socodka Mareykanka ee uu daaha ka rogay askarigii hore ee taxliilin jiray arrimaha sirdoonka ee Edward Snowden.

Wakaaladaha sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in ay basaaseen 200 oo Milyan oo ah xog maalin kasta guud ahaan adduunka oo dhan,sidaas waxaa wariyay Wargeyska the Guardian newspaper iyo Channel 4 New

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here