Madaxweyne Obama iyo Xaaskiisa oo ku dhow in ay kala tagaan

Obama-4

Sidda ay qoreen Jimcaha maanta ah wargeysyada ka soo baxa dalka Maraykanka, waxaa la ogaaday in uu aad usii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michel Obama.

Arrintan ayaa ka so billaabatay maseer ay qaaay xaaska Obama intii lagu guda jiray aaskii hoogaamiyihii horre ee Koonfur Afrika  Nelson Mandelihii.

Sheekadaan xoogeeda ayaa soo shaac baxday habeen hore markii la daawaday sawiro laga qaaday Madaxweynaha iyo xaaskiisa oo aan isla hadleyn xilli ay ka qeyb galayeen xaflad casho ah oo lagu qabtay aqalka cad ee Washington ku yaala.

Sawirada ayaa waxaa kasoo muuqday Michel Obama oo muujinayso carradda ay seygeeda u qabto lana hadleyn wajigana u badalaysa.

Michel Obama ayaa ka xanaaqday sawiro uu Obama la galay haweeneyda madaxda ka ah dalka Helle Thorning-Schmidt 10 bishii December ee sanadkii 2013 xilligaaso ay ka qeyb galayeen tacsi loo dhigayay hoggaamiyihii hore ee dalka Kofur Africa.

Wargaysyada Maraykanka kasoo baxa qaarkood ayaa qoray xog ku saabsan in Michel Obama ay Madaxweynaha ka dalbatay inuu furo hase ahaatee uu ka biyo diiday laakin arrintaas mar wax laga weydiiyay afhayeenka aqalka cad waa uu ka gaabsaday.

Dhawaan Mrs Michel waxaa ay warbaahinta qaar u sheegtay in marka uu dhamaado waqtiga uu Obama talada wadanka hayo ay kaligeed gooni u dagi doonto oo aysan doonayn inay saygeeda la noolaato

Dhawaan mar ay u dabaal dagaysay 50 sanno guurada dhalashadeeda waa ay yarayd baa la leeyahay  intay ay seygeeda garab taagnayd oo inta badan qolka jiifkeeda ayay ku laalabanaysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here