Madaxweyne Museveni oo Booqday Dadkii Ey ka geeriyoodeen askartii waday Diyaaradihii Bur Buray

Madaxweyne Yuweri Museveni oo booqday eheladii iyo qarabadii ey ka geeriyoodeen asakrtii waday diyaaradihii dagaalka ey ku bur burtay deegaano ka mid ah soomaaliya.

Mr Museveni ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay il gooni ah ku hayso dadkii ay ka tageen Ciidamada ku geeriyooday shilka diyaaradeed islamarkaana ay damaanad qaad buuxda siinayso Dowladda Uganda, waxna aysan iska badali doonin noloshoodu, maadaama ay waayeen qaar ka mid ah Ehelladoodu oo u shaqeynayay Dowladda Uganda.

War laga soo saaray Madaxtooyada ee Dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in Uganda ay muhiimadda koowaad siinayso dadkii ku waxyeeloobay Soomaaliya, iyo kuwii ay dhibaatada kasoo gaartay burburkii diyaaradeed ee ka dhacay Kenya, xilligaasi oo Dowladda Uganda ay xustay inay ku mashquulsaneyd sidii loo horumarin lahaa howlgalka AMISOM ay ka waddo Soomaaliya.

Sikastaba Madaxweynaha Museveni waxa uu tacsi u diray dhamaan Ehelladii Saraakiishii ku dhimatay Shilka diyaaradeed ee ka dhacay dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here