Madaxweyne Mursi oo bilaabayo dhisada dowlad cusub

Madaxweynihi ugu horeeyey oo ay si xor ah shacabka Masar usoo doortaan Maxamed Mursi ayaa lagu wadaa inuu bilaabo qaabeynta dowlad cusub, kadib marki uu balan qaaday inuu noqon doono hogaamiyaha dhamaan dadka Masaarida.

Hogaamiyaasha caalamka ayaa u hambalyeeyey ninkani ka socdo kooxda Ikhwaanul Muslimiin oo ah Islaamiyiin ku wanaagsan xaga maamulka iyo hab dhaqanka daris wanaaga.

Mr Mursi waxaa la dhaarin doonaa 30-ka bishan June, inkastoo ay wali taaganyihiin su,aalooyin ku saabsan awoodiisa oo ay xadidieen Milatariga.

Golaha hada talada haya ee Milatariga ayaa la wareegay awoodo dhowr ah oo uu lahaa madaxweynaha, iyaga oo kala diray baarlamaanka.

Qudbad uu ka jeediyey xalay TV-ga ayuu ugu baaqay shacabka in ay xoojiyaan midnimada qaran ee Masar.

“Dhiiga dadka shashiiday la,aantiis aniga ma la i doorteen, dadka wax badan ayey dul qaateen, kacdoonka wuu socday ilaa dhamaanteyaba aan hallkaan soo wada gaarno,” ayuu yiri.

“Dhamaantiin dadka reer Masarow waxaan idinkugu baaqayaa midnimo qaran, shacbiga Masar waxaad tihiin dad weyn, maanta waxaan ahay madaxweynaha dhamaan dadka reer Masar meel walba oo ay joogaan,” ayuu yiri.

Hogaamiyaha milatariga Masar Field Marshal Hussein Tantawi ayaa ka mid ahaa dadki ugu horeeyey ee u hambalyeeya Mr Mursi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.