Madaxweyne Maxmuud oo caawa ku hoyanaya madaxtooyada

Madaxweynaha Dowlada Federaal Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa marki ugu horeysay caawa ku hoyanaya qasriga madaxtooyada ee Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa galabta kasoo galbiyey hotelka Jazeera oo maanta lagu weeraray ciidamada AMISOM waxaana lasoo dajiyey xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxa ay noqoneysaa marki ugu horeysay oo uu ku hoydo madaxtooyada tan iyo marki xilka madaxweynanimada loo doortay 48 saacadood kadib.

Madaxweynahi hore Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa wali dagan qasriga madaxtooyada waxaase ay ka guuri doonaan 16-ka bishaan oo loo asteeyey maalinta caleema saarka madaxweynaha cusub.

Dhanka kale AMISOM ayaa sheegtay in ay fashilisay weerarki lagu qaaday hotel Jazeera, iyada oo sheegtay in uu uga dhintay hal askari isla markaana ay uga dhaawacmeen sadex kale.

Al Shabab ayaa sheegtay mas,uuliyada qaraxa iyaga oo ku tilmeemay ujeedkooda inuu ahaa in ay beegsadaan wafdi ka socday dalka Kenya oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibada Sam Ongeri, laakin Mr Ongeri iyo asxaabtiisa ayaa galabta u duulay Nairobi iyaga oo bad qaba.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here