Madaxweyne Maxamed Morsi oo si Geesinimo leh Uga Hadlay Gumaadka Yahuuda ay ku Heeyso Shacabka Falstiin

Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi ayaa sheegay in  ay goor dhaw soo gabagaboobi doonto gardarrada Israaiill ee Gasa inay dhamaan doonto maanta maanta gelinka dambe duqeenta arxandarada ah eek u socta dadka Gasa.

Xukuumadda Qaahira ayaa isku dayaysa inay xabbad-joojin dhex dhigto labada dhinac Yahuuda iyo Xamaas.

Weerarada duqeynta ah  ee  Yahuuda  ay ku heyso magaalada Qasa ayaa dilay ugu yaraan 105 Falastiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xamaas, iyadoo gantaallada Xamaas ee Yahuuda lagu tuurayana ay sii socdaan.

Yahuuda  iyo Xamaas ayaa labaduba waxa ay shuruudo ku xireen xabbad-joojinta.

Xamaas ayaa dalbatay in go’doominta laga qaado Marinka Qasa, halka Israaiil ay ku adkeysatay in la joojiyo gantaallada laga soo ridayo Gasa.

Shacabka reer falastiin muo todaabaad ah waxaa ku socday duqeen ba’an oo ay ugeeysanayeen diyaardaha dagaalka yahuudo dad farabadan oo shacab ah ayaa ku geeriyooday werarada  arxan darada ah ee ciidamada yahuuda ku qaaden magaalda Gasa.

Dowlda masar ayaa noqatay doowladii ugu horeeysay ee carbeed ee si toos ah uga dhiisay gumaadla lagu hayo shacabka Falstiin ayadoo yahuudana uaga digtay sii wadida xasuuqa shacabka Reer Falstin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here