Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo xarigga ka jaray Carwo ganacsi oo magaaladda Hargeysa laga furay

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray bandhig ganacsi caalami ah oo maanta ka furmay magaaladda Hargeysa.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen ganacsato waaweyn oo kala yimid geeska Afrika iyo Somaliland ayaa ku soo bandhigay shirkad waliba waxay dalka keento ama ay samayso, waxaana furitaankii xafladan ka soo qaybgalay wasiiro, xildhibaano, hay’adaha caalamiga iyo kuwa wadaniga ah iyo dadweyne aad u faro badan.

Guddoomiyaha guddida qabanqaabada carwadan, Mr: Cali Maxamed Yuusuf ayaa dadweynihii goobta iskugu yimid ugu mahadnaqay ka soo qaybgalkooda, waxa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Ganacsiga Somaliland Md:Cabdirisaaq khaliil Axmed oo ka waramay muhiimadda ay leedahay ganacsiga iyo wax kala faa’iidaysigu.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhalinyartii soo qabanqaabisay iyo guud ahaan ganacsatada carwadan ka soo qaybgalay u mahadnaqay, waxaanu sheegay inay faa’iidooyin badan leeyihiin bandhigyada noocan oo kale ahi, waxaanu ganacsatada ku booriyey inay bandhig carweedyo sidan oo kale ah soo bandhigeen, si ay Somaliland u noqot xarun ganacsi, isla markaana bulshaddu uga faa’iidaan.

‘”Farxad weyn ayay ii tahay in dalka laga furo carwo noocan oo kale ah, waxayna muujinaysaa Carwadani inaynu Ganaciga iyo dimuqraadiyada ku dhaano wadamo badan oo la aqoonsan yahay .” Ayuu ydhi, waxaanu intaas ku daray .

Somaliland-na horumar ayay ku talaabsatay, dhalinyarada soo abaabushayna waanu u mahad-celinaynaa.”ayuuu yidhi.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Dahabshiil, Mr: Cabdirashiid Maxamed Siciid, Eng: Yuusuf Xuseen Cabdalle, agaasimaha Shirkadda SOMCABLE, maayarka magaaladda iyo xubno kale.

Barkhad-Ladi

 

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

 

midnimo12@googlemail.com