Madaxweyne Guuleed oo u hambalyeeyay maamulka HirShabelle baaqna u jeediyay Ugaas Xasan

guuleed-hhMadaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Maamulka goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali guudlaawe.

Madaxweynaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay kadib markii uu maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado, iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaana safarkiisa ku wehliyay xubnaha aqalka sare ee dhawaan lagu doortay Cadaado iyagoo Jowhar uga qeybgalay doorshadii Madaxweynaha Maamul cusub ee Hirshbelle.

C/kariin Xuseen guuleed waxa uu si gaar ah ugu baaqay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif in uu taageero Maamulka Hirshabelle uuna garab istaago.

“waxaan ogahay ugaaska in uu yhay Ugaaska ugu facaweyna Ugaasyada Soomaliyeed, ahna Nin aad u qiima badan, maantana looga bahaan yahay in uu tageero Maamulkaasi cusub, kalana shaqeeyo midnaimada Shacabaka labada Gobolka” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Xigasho: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here