Madaxweyne Gaas oo ku baaqay AMISOM in la geeyo Puntland

Madaxweyne Gaas oo ku baaqay AMISOM in la geeyo Puntland
Madaxweyne Gaas oo ku baaqay AMISOM in la geeyo Puntland

Wakaalada Wararka Reuters ayaa qortay in maamulka Puntland uu ka walwalsan yahay Al-Shabaab oo hadda uu ku wajahan yahay dagaal xooggan,in ay u soo cararaan deegannada Puntland.

Filashadaas ayaa ka dhigtay ammaanka Puntland in la dkeeyo waxaana mee kasta la dhigay ciidamo faradan kuwaasoo ah kuwa feejigan.

Madax waynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Taleefonka kula hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay inay macquul tahay in qaar ka mid ah dagaal yahanada Al-shabab ay kusoo dhuuntaan deegaanada Puntland .

Wuxuu sheegay oo kale madaxweynuhu in buuraha Gal-Gala ay ku dhuumaalay sanayaan kooxo taabacsan ururka Al-Shabab ayna sidoo kale hooy siin karto hadii Dagaalyahanada ururka looga adkaado koonfurta iyo bartamaha wadan ka.

“Lama lihin xiriir howlgalada ciidamada AMISOM ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, Waxaana wadaagnaa hal cadow ‘Al-Shabaab’ waxaana muhiim ah in nala gala tashto howlgalada socda si aan hal meel uga soo jeesano Al-Shabaab.” ayuu yiri madaxwayne Gaas.

Maxadwaynaha ayaa AMISOM ugu baaqay inay ciidan keenaan xuudaha ay goboladda dhexe  la leeyahiin Puntland si firxadka Al-shabab ugu soo dhuumanin deegaanada Puntland.

Al-Shabaab oo laga saaray bishii August ee sannadkii 2011-ka magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale laga qabsaday dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo bartaha, waxaana hadda soo wajahaya culeys ballaaran oo kaga imaanaya ciidamada AMISOM.

 

1 COMMENT

  1. Gaas markii uu tagay itobiya ayaa waxa looshegay in uu ciidamo dalbado, uu fiirso haddii ciidamo la geenayo puntland waxaa lagayna kuwa itoobiyanka
    itoobiya waxay haysata somaliland, gobolada dhexe iyo konfurta somali.
    si ay soomaaliya oodhan gacanta ugu dhigi lahahyen een waxa somalida kula talin laha hurdada ka kaca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here