Madaxweyne Faroole oo muujiyey in uu ka soo horjeedo dastuurka Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland C/maan Faroole ayaa la sheegay inuusan ku qanacsanayn qaabka uu u socdo dastuur u samaynta Soomaaliya.

Warqad si hoos ah uga soo baxday xafiiska Madaxweyne Faroole ayaa la sheegay inay ku qornaayeen ereyo cadeynaya in uu ka soo  horjeedo dastuurka maadaama uu ka soo horjeedo danaha maamulka Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa aaminsan in dastuurka aysan ku cadeyn arrimo ay kamid yihiin qeybsiga qeyraadka, hantida la kala haysto iyo kala sareynta awoodaha dalka.

Warqadan ayaa loo gudbiyey QM,Midowga Afrika iyo IGAD iyo sidoo kale wadamada kale ee ku lugta leh arrimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo ka mid ahaa saxiixayaasha Roud-Map-ka ayaa codsatay in la tixgaliyo qorshaha uu soo jeediyay. Waxaana hore siyaasiyiin badan ay ku eedeeyeen dkgaarka ah in dastuurka uu yahay mid awood badan uu ku leeyahay madaxweynaha Puntland C/maan Faroole.

Warkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho uu ugaga socdo oday dhaqameedyada shir ay ku soo xulayaan dadkii ansixin lahaa dastuurka cusub ee uu yeelayo dalka Soomaaliya.