Madaxweyne Faroole Oo Ka Hadlay Dilka Shiikh C/qaadir Gacameey

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid alle Naxariistii janno ha siiyee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax  oo Maanta lagu dilay Magaalada Garoowe Madaxweynuhu wuxuu u tacsiyeeyey eheladii uu ka dhintay  sheekhu isagoo alle ka dalbaday in uu Samir iyo iimaan umada Soomaaliyeed ka siiyo Geerida Sheekh C/qaadir, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyey dilkaasi in ay ka dambeeyaan Ururka Alshabaab.

“ Waxaan Caawa Qirayaa horayna u sheegay in Sheekh C/qaadir uu ahaa Xidigii Culumaa’udiinka Reer Puntland Naxariisna alle ha siiyo Sheekha Dilkiisa waa u dambeeyaye uma Horayn Dadka La jecelyahay ee Soomaaliya lagu Xasuuqay, wiil yar baa lasoo adeegsaday oo hub loosoo dhiibay laakiin dad aan ku tilmaami karo in ay  yihiin geesiyaal baa ka hortagay oo u diiday in uu baxsado Dhiigya cabkii sheekha dilay dadkaasi qaar oo dhaawacmay oo uu wiil ka mid yahay kuwa halista ku jira dhaawacii soo gaaray aale ha caafiyo ajarna haka siiyo hawshii ay qabteen, Dadwaynaha Puntland iyo Dowladoodaba  ka daali mayaan in ay Amnigooda suktaan lana dagaalamaan cidii isku dayda in ay fidno ka abuuraan Deegaanada Puntland, sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Faroole, ayaa sheegay in sababta Shiikha loo beegsaday ay tahay in uu kasoo horjeeday aragtida qaldan ee Al-shabaab,  isagoo sheegay in Diinta ISlaamka ee Suuban aysan meelna uga jirin in macna Daro lagu daadiyo Dhiiga Muslim kale oo aysan banaaneyn wuxuuna xusay in dano gaar ah laga lahaa dilka sheekha waana la tabayaa oo boos weyn buu faarujiyay haday diin jirto Culumada lama Beegsadeen ayuu yiri Mudane faroole oo Caawa Saxaafada La hadlay.

ALLAHA unaxariistee Shiikh C/qaadir Gacameey, ayaa maanta lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe, waxaana aaskiisa kasoo qayb gali doona qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland, sida Culumaa’udiinka, ardayda, madaxda maamulka Puntland oo uu ugu hore madaxweyne Faroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here