Madaxweyne Faroole oo ka hadlay arrimo badan

Iyadoo muddada loo qabtay maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Faroole uu ku ekaa shaley, ayaa haddana waxana xaley xaflado lagu weyneenaayo afartii sano ee uu jiray maamulkaas lagu qabtay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Madaxweyne Faroole oo ka hadlay xafladaas ayaa ku dheeraday wax yaabaha u qabsoomay maamulkiisa afartii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay markii uu xafiiska la wareegayay in Puntland oo dhan aysan wax badan u qabsoomin, laakin la mahdiyay maamulkiisa marka uu yimid sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in horrumar laga gaaray arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda waxbarashada iyo wadashaqeynta hey’addaha caalamiga ah ee ka howgalda dalka.

“Waxqabadkii muddii afarta sano ee aan jirnay waxa ay ahayd afar sano oo howl badan waxaad ogtihiin meesha aan wax ka billownay, haddii laga eego xagga amniga, dhaqaalaha, xagga wax qabadka hey’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku tiirsan tahay waqtiga xaadirka oo aysan isku filneen, haddii laga eego adeegga bulshadda,” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu door ka qaatay siddii Soomaaliya ay uga bixi lahayd ku-meel-gaarka isla markaana dalka uu yeelan lahaa dastuur.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu sameeyay nidaamka axsaabta oo laga gudbay qaabkii wax lagu soo xullan jiray ee qabiilka.

Isku soo duub madaxweyne Faroole ayaa sheegay in muddada xilkiisa uu ku egyahay 2014-ka sidaas darteedan uu maamulkiisa u harsan yahay hal sano oo hor leh.

Qaar badan oo ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ayaa u arka waqti Korarsiga Faroole uu sameeyay in aysan Faa’ido ugu jiran dadka reer Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here