Madaxweyne Farmaajo oo dhisanaya ciidamo Maleeshiyo ah

Sida uu daabacay Wargeys kasoo baxay Dalka Uganda, madaxweynaha Dalkaas Musaveni, ayaa dhigiisa Soomaaliya madaxweyne Farmaajo Kula taliyay inuu dhisto ciidamo Maleeshiyo ah oo 2 sano kadib isku badala ciidamo Qaran.

Labada madaxweyne ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa halkaasoo uu dhawaan ka dhacay shirka madaxda Afrika.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu yimaado Madaxweynaha dalkaasi Uganda.

Yuweri Musavani Madaxweynaha dalka Uganda ayaa imaanshihiisa Magaalada Muqdisho lagu sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here