Madaxweyne Erdogan oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

13335636_1116744045035428_3008180773836614887_nMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale xariga ka jari doona safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, waxana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afrika.

13254358_1116745055035327_4799414901561551420_n 13332798_1086877291386731_4164375512860285164_n 13335857_1154517497960503_6357670494642917386_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here