Madaxweyne Erdogan oo amray in la xiro akaademiyada Milatariga Turkiga

ERDOGAN-3-640x360Madaxweynaha Turkiga waxa uu sheegay in dhamaan Taliyayaasha Milliteriga si toos ah Warbixinadooda ugu soo gudbin doonaan Wasaaradda Difaaca.

Madaxweynaha waxa uu Awaamiirtaas ku sheegay Tallaabo cusub oo lagu doonayo in Milliteriga si buuxda loo hoos geeyo Kontorool Rayid ah.

Waxa kaloo uu xusay in albaabadda loo laabayo dhamaan Akeemiyadda ku yaalla dalka Turkiga, isla markaana lagu bedeli doono Jaamacadda Difaaca Qaranka (A national defense university).

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu xusay inay doonayaan inay Barlamaanka u gudbiyaan qoddob yar oo dhinaca Dastuurka, oo haddii la ansixiyo horseedi karta in Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) iyo Taliyaha Ciiddamadda la hoos eeyo Kontoroolka Madaxtooyadda.

Tan iyo markii uu Erdogan ka badbaaday Afgembigii xilka looga tuuri lahaa bishan July 15-dii waxa uu soo rogay Xaallad Degdeg ah, iyadoo Kumanaan ciiddan la xiray, halka Saraakiil kalena xilalka laga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here