Madaxweyne Cosoble oo sheegay in la dhisayo wadada isku xirta Baladweyne & Xamar

madaxweynecosobleMadaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan Qorsha lagu dhisayo wada isku xirta Muqdisho iyo Baladweyn oo muhiim u ah socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolada dhexe

Madaxweynaha oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay qorsho dheer u dajiyeen maamulkooda ,isagoo balanqaaday in ay wax muuqdo ka qaban doonaan dhinacyada amaanka iyo hormarka maamulkaasi

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdlaahi Cosoble ayaa waxa uu xusay in dadka Hirshabeelle ay yihiin dad u bisil in ay garab istaagaan Maamulkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here