Madaxweyne Cosoble oo bogaadiyay Ciidamada DF ee la wareegay Miir-taqwa

cosoblecosobleMadaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa soo dhoweeyay Howlgalkii ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom kula wareegeen degaanka Miir-taqwa ee Gobolka Sh/dhexe.

Cali C/laahi ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada lagu baacsanayo Ururka Al-Shabaab,dhowaanna laga saari doono goobaha ay kaga harsan yihiin degaannada H/Shabeelle.

Ciidamada is garabsanaya ayaa in dhawaalaba ka waday degaanno ka mid ah Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, weerarro lagu bartilmaameedsanayo Ururka Al-Shabaab.

Xigasho: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here